Xisbullah oo weerar gantaallo ah ku qaaday Israa'iil iyo Netanyahu oo shir deg dega isugu yeeray wasiiradiisa

 


3 Saacadood ka hor

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay in la soo gebagebeeyey wax ay ku tilmaameen "wajigii koowaad" ee weerarka cirka ah ee lagu qaaday Israa'iil "iyadoo si buuxda loogu guuleystay." sida ay kooxdu sheegtay.

Ururka Xisbullah ayaa sheegay in in ka badan 320 gantaal ay ku rideen dhanka Israa’iil saaka.

Bayaan ay soo saartay kooxda ay Iran taageerto ee Lubnaan ayay ku sheegtay inay 11 goobood oo militari oo ku yaalla waqooyiga Israa’iil ay la beegsatay boqollaal gantaallada Katyusha ah.

"Waa wajigii lagu beegsan lahaa xeryaha Israa'iil iyo goobaha," ayay kooxdu tiri - iyadoo intaas ku dartay inay dib ka soo saari doonto faahfaahin dheeraad ah.



Xisbullah ayaa xaqiijisay inay weerarkeeda ku billowday maanta oo axada mowjado gantaallo ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taasoo jawaab u ahayd sida ay sheegeen dilkii taliyihii ugu sarreeyay ee Fu'aad Shukr oo bishii hore lagu dilay Beyruut..

Kooxda fadhigeedu yahay Lubnaan ayaa sheegtay in ay bartilmaansatay “bartilmaameed gaar ah oo millatari iyo sidoo kale goobaha difaaca gantaallaha ah ee Israa’iil iyo goobo kale balse jawaabta buuxda ay qaadan doonto waqti”.

"Ciqaabtu waxay noqon doontaa mid aad u darran oo adag," ayay ku tiri bayaanka Xisbullah.



Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay duqaynayaan bartilmaameedyada ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan, kaddib markii ay ogaadeen dhaq-dhaqaaqyo gantaallo ah iyo sawaariiq la doonayey in lagu garaaco Israa’iil

Afhayeenka ciidanka difaaca Israa’iil ee IDF, Daniel Hagari, ayaa isagoo ka hadlayey duqaynta ay fuliyeen waxaa uu sheegay

"Ficil is-difaac ah oo meesha looga saarayo khatarahaas, IDF (Ciidanka Difaaca Israa'iil) waxay duqaynaysaa bartilmaameedyo argagixisanimo,"

Israa’iill ayaa sheegtay in dadka rayidka ah ee Lubnaan looga digay inay si deg deg ah uga baxaan goobaha ay ka howlgalaan kooxda Xisbullah oo ah koox ay Iran taageerto.

Gudaha Israa’iil gaar ahaan jihada waqooyi waxaa ka yeeray dhawaqa digniinta gantaallada ubaxnimadii hore ee maanta oo Axadda.




Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu ku baaqay shir deg deg ah oo ay isugu yimaadaan golaha wasiirada ee amniga.

Golaha ammaanka ee Israa'iil ayaa saaka shiraya. Muddo toddobaadyo ah.

Xafiiska Mr Netanyahu ayaa sheegay in ra'iisul wasaaraha iyo wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant ay ka "maareynayeen xaaladda" saldhigga milatari ee IDF ee Tel Aviv.

Milateriga Israa’iil ayaa ka digay inay dhici karto inay dhacaan weeraro kale oo Xisbullah ah saacadaha soo socda iyo dhawaaqyada duqeymaha cirka ah ayaa laga maqlayay waqooyiga.

Maraykanka ayaa ka digay guuldarada joogtada ah ee lagu heshiinayo xabbad joojinta iyo heshiiska la haystayaasha ee u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas ay keeni karto in dadaalladaas diblomaasiyadeed ay fashilmaan.

Halkee marayaan wadahadallada?


Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa tilmaamay in wada xaajoodka xabad joojinta iyo heshiiska is dhaafsiga ee Qaahira ay si wanaagsan u socdaan.
Biden ayaa Sabtidii ka tagayay Kaniisadii hore ee Santa Ines ee California markii wariyayaashu ay waydiiyeen xaalada wadahadalka, wuxuuna muujiyey calaamad muujisay in xaalladu tahay mid wanaasgan isagoo suulkiisa kor u taagay isagoon tafaasiil ka bixin.
Wadahadallada ayaa Sabtidii Qaahira looga dooday hindiseyaal cusub, taas oo xoogga lagu saaray in la soo afjaro farqiga u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas, laakiin ma muujin wax horumar ah ka dib wadahadal saacado qaatay, ka hor wada xaajoodka la ballaariyay oo billaaban doona manata oo Axadda.
"Wadahadalada Qaahira wax horumar ah lagama gaarin, Israa'iil waxay ku adkeysaneysaa inay sii hayso siddeed goobood oo ku teedsan marinka Philadelphi," sarkaal Falastiini ah oo yaqaan dadaallada dhexdhexaadinta ayaa u sheegay Reuters, isagoo codsaday inaan magaciisa la sheegin.
Mas’uulkan u hadlay Falastiin ayaa intaa ku daray in wafdiga Xamaas ay dib ugu laabteen magaalada Doha ee dalka Qatar, kaddib markii ay soo idlaatay warbixintii ku saabsanayd wadahadallada.
Wafdi ka socda ururka Xamaas ayaa gaaray magaalada Qaahira si ay dib u eegis ugu sameeyaan waxyaabihii ka soo baxay shirarkii labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday caasimadda Masar ee ku saabsanaa heshiiskii la isku weydaarsanayay la heystayaasha,maxaabiista iyo xabad joojinta Qasa.
Laba hogaamiyasha Xamaas ka tirsan ayaa BBC-da u xaqiijiyey in wafdigan "aanay qayb ka noqon doonin wadahadallada socda, balse ay dhegeysan doonaan oo keliya natiijada dhexdhexaadiyeyaasha."





Comments

popular post

Madaxweynaha Mareykanka oo raysal wasaraha israa`iil ku adkeeyey in xabbad joojin deg-deg ah iyo heshiid laga gaaro colaadda QASA