Madaxweynaha Mareykanka oo raysal wasaraha israa`iil ku adkeeyey in xabbad joojin deg-deg ah iyo heshiid laga gaaro colaadda QASA
in meesha laga saaro caqabkasta oo xa nimi kasta heshiid ay galan Israa,iil iyo XAMAAS iyagu sidoo kale u sheegey in ay muhimtahay in si deg-deg ah loogaaro xabad joojin iyo heshiid lagu sii daynayo maxabiista Israa`iililiyeenta ee gacanta ugu jira Xamaas .
waxa Joe Biden iyo Kamala Hariss sidoo kale u sheegeen raysal wasaraha israa`iil in Washinton ayka go`antahay inayka caawiso Israa`iil iska difaacidda wax aqalka cad ugu yeedhay dhamaam hanjabaada ka imanaya IRAN, XAMAAS , XISBUL A IYO XUUTIYEETA , hadalkan ayaa imaanaya ka dib markii xoghaya arimaha dibada ee dalka mareykanka uu soo gabagabeeyey socdal diblimaasiyadeed oo uu ku barayey bariga dhexe isaga oo ka shaqeenaya heshiid hadafkiisu yahay xabad joogin la gaaro lalasiidaayo israa`iliyeenta ay Xamaas qafaalatey .
Xafiiska NETANYAHU aya arbacadii aan kasoo gudibney sheegay in isra`iil ay qorsheeneyso in ay ciidamadeeda ku sii haynayso dhulka tirsan xuduubka u dhaxeeya QAZA IYO MASAR oo loo yaqaano FILADALFI haddii uu dhaco heshiid dhexmara iyaga iyoXamaas haseyeeshi Xamaas ayaa arinta u aragta iney suurogal aheyn oo waxa ay dalbanayan iyagu in ay guud ahaanma ciidamadu israa`iil laga saaro QAZA taas oo muujineysa halka labada dhinac ay kalajoogaan israa`iil ayaa u muuqata iney ku adkaysaneyso iyadu iney gabi ahaanba aaney Qaza ku noqon meel abnigeeda qatar ku ah dalka masar ayaa isaguna kasoo horjeeda ciidamada joogitanka israa`iil ee ku sugan xadka ay la wadaagto masar qaza
Isniinti xoghaya arimaha dibada ee dalka mareykanka ANTONY BLINKEN ayaa waxa sheegey in ay israa`iil ogolaatey soojeedinta mareykanka ee ku saabsan in meesha laga saaro dhamaam wax yaabaha caqabada ku noqon kara wada hadalka guntiisu ay tahay heshiid ka dib kulan saacado badan ulaqaatay raysalwasaarah israa`iil oo ka dhacay QUDUS laakiin BLIKEN masheegin in aqbalaada israa`iil ay ku jirtay in ciidamedeeda ay kala baxayso QAZA oo ay filineyso dalabka xamaas
Comments
Post a Comment