Xisbullah oo weerar gantaallo ah ku qaaday Israa'iil iyo Netanyahu oo shir deg dega isugu yeeray wasiiradiisa

3 Saacadood ka hor Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay in la soo gebagebeeyey wax ay ku tilmaameen "wajigii koowaad" ee weerarka cirka ah ee lagu qaaday Israa'iil "iyadoo si buuxda loogu guuleystay." sida ay kooxdu sheegtay. Ururka Xisbullah ayaa sheegay in in ka badan 320 gantaal ay ku rideen dhanka Israa’iil saaka. Bayaan ay soo saartay kooxda ay Iran taageerto ee Lubnaan ayay ku sheegtay inay 11 goobood oo militari oo ku yaalla waqooyiga Israa’iil ay la beegsatay boqollaal gantaallada Katyusha ah. "Waa wajigii lagu beegsan lahaa xeryaha Israa'iil iyo goobaha," ayay kooxdu tiri - iyadoo intaas ku dartay inay dib ka soo saari doonto faahfaahin dheeraad ah. Xisbullah ayaa xaqiijisay inay weerarkeeda ku billowday maanta oo axada mowjado gantaallo ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taasoo jawaab u ahayd sida ay sheegeen dilkii taliyihii ugu sarreeyay ee Fu'aad Shukr oo bishii hore lagu dilay Beyruut.. Kooxda fadhigeedu yah...